Site icon Qaamuus

jawaabta

milil
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Dhecaan malax iyo dhiig isugu jira oo ay nabarrada hurgumaa yeeshaan. 2. Dhecaan ka yimaada nafley dhimatay marka ay muddo meel taal.

milil
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ilay, -ishay)

1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh milil

dhashuun [m.l]
1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.

mililid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg milil².

mililig [Magac Lab | Noun Masculine]
ld miririg.

mililigeyn [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miririgleyn.

mililiglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
ld miririglee.

mililikh [Magac Lab | Noun Masculine]
Dhar jilicsan sida malkhabadda oo faraha ka siibanaya.

mililikhsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax mililikh ah ahaansho (dhar).

mililikhsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mililikhsan. ld mililikhsanaansho.

mil [Magac Lab | Noun Masculine]
Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.

mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version