milme
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)1. Adke marka uu hoore saameyo milma. 2. M. ah: qof la dulmiyey oo ciil ka batay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh milme ↴
saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.
asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
gudbin-gudbiye-milme [m.l]
(kiim.) Isbedelka kiimikaad ee ka dhasha saldanab danabeed oo la dhexmariyey hoorar gudbiye ah (gudbiye-milmeyaal).
kollajiin [m.l] (-no, m.d)
(c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
ma-milme [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(kiim.) Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).
mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.
milan [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke).
milan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Milme wax hoore ku qasmay noqosho. 2. Dhar wax liinbaxay noqosho.
moolarnaan [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(kiim.) Tirada moolasha ah ee milme ee ku jira hal disimitir oo saddex jibbaaran (1 litir) oo mile ah.
mil [Magac Lab | Noun Masculine]
Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iwm hoore ka dhigid.