mindhicir
(m.l) (-rro, m.dh)Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.
mindhicir
(m.l) (-rro, m.dh)(c.nafl.) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mindhicir ↴
caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
ubuc [m.dh] (-cyo, m.l)
Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada
qashinsaarka iyo taranka.
laaktays [m.l]
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
axal [m.dh] (-llo, m.l)
Hoore adag oo is-haysta oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada marka ay jirradaan ama xubnaha taranka waqtiga dhalmada.
galool [m.dh]
1. Qayb ka mid ah mindhicirta nafleyda. 2. Qayb ka mid ah debinka ugaarta loo dhig.
kirishowmirish [m.l]
Xayr, calool iyo mindhicir la isku maray oo la karsado.
kolaytis [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
koolestarool [m.l]
(daaw.) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
laba-iyo-tobanle [m.l]
(c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
libays [m.l] (-syo, m.dh)
(c.nafl.) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.