mir
(Magac Lab | Noun Masculine)Wax tiradoodu hal tahay.
mir
(Magac Dheddig | Noun Feminine)1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.
mir
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iwm habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iwm oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.
Kaamiro*
Aalad wax sawirta. Kamarad.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mir ↴
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la
cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla
markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
idiyaalismo [m.dh]
Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”.
naajax [m.l]
1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan.
ontorro [m.dh]
(bot.) Geed weyn qodax lahayn, hoos fiican, oo leh miro kulkulucsan oo macaan. ld hontorro.
qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.
raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
tacabkhasaaro [m.dh]
Dadaal miro dhalin la'aan.
m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee
xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.