Site icon Qaamuus

jawaabta

mirir
(Magac Lab | Noun Masculine)

1. Dheeh guduudan oo uumi-biyoodku biraha ku dul sameeyo. 2. Cida ay riyuhu sameeyaan marka ay dhashooda waayaan. 3. (-rro, m.dh) Daqiiqad.

mirir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rdhay, -rirtay)

1. Bir mirir yeelasho. 2. Ri'ilmeheeda wayday ciyid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mirir

badanaa [Falkaab | Adverb]
Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.

daxal [m.l]
Dheeh cillaan guduud ah oo birta iyo xadiid-sulubka ku dul samaysma marka ay biyuhu la falgalaan maaddadooda; mirir.

mililig [Magac Lab | Noun Masculine]
ld miririg.

mililigeyn [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miririgleyn.

mililiglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
ld miririglee.

mirdhid [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miririd.

miriri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax mirir u yeelid.

miririd [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mirir². ld mirdhid.

mir [Magac Lab | Noun Masculine]
Wax tiradoodu hal tahay.

mir [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.

mir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iwm habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iwm oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version