Site icon Qaamuus

jawaabta

misana
(Xiriiriye | Conjunction)

Laakiin, ha ahaatee. Tus. “Afka carabiga wuu fahmayaa, misana kuma hadli karo”. ld misna.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh misana

dulmisanaan [m.dh]
ld dulmanaan.

dulmisanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dulmanaan.

gedmisanaan [m.f.dh]
eeg gedmisan. ld gedmisanaansh.

gedmisanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gedmisanaa.

had [m.dh] (-do, m.l)
1. Waqti la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh; goor, kol, ammin. 2. H. iyo goor ama had iyo jeer: mar kastaba. 3. H.ahaa: goortan, waqti-gaan. 4. H.ba: kolkii in la joogaba; marmar. 5. H.da: goorta la joogo; amminka. 6. H.daa: waqtigaan, goortan. 7. H.daba: sidaas darteed. 8. H.dana: kol labaad, kol dambe; misana. 9. H.dee: sidaas darteed, haddaba. 10. H.deer: hadda, amminka.11.H.ma?: goorma? 12. H.diiba: waqtiga la joogo; amminka, hadda.

misna [Xiriiriye | Conjunction]
ld misana.

weli [Magac Falkaab | Noun Adverb]
1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version