Site icon Qaamuus

jawaabta

moolikiyuul
(m.l) (-llo, m.dh)

(kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moolikiyuul

bayoolajiga moolikiyuullada [m.l]
(baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.

dheefsamayn [m.dh]
(baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.

moolikiyuul cirifle [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(kiim.) Molikuyuulka dabarradiisa ciriflaha ahi aanay midina u habaysnayn wanqaran qumman, sidaa darteedna aan dheellitirnayn. Molikuyuullada noocan ahi waxa ay leeyihiin maroojis laba cirifle.

moolikiyuul weyne [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(kiim.) Moolikiyuul weyn; taas macnaheedu waa taran badane dabiici ah ama mid dadku sameeyeen ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version