Site icon Qaamuus

jawaabta

moosin
(m.l) (-nno, m.dh)

1. Dabayl xilli ku socota oo ka dhacda badweynta Hindiya iyo Aasiyada koofureed. 2. Xilli; wakhti. 3. Nooc ka mid ah doonyaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh moosin

moos [m.l] (-sas, m.l/-syo, m.dh)
1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.

moos [m.l] (-sas, m.l/-syo, m.l)
1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).

moos [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Dhis ama dhoobo beer iwm biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version