mudac
(m.l) (-cyo, m.dh)Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mudac ↴
kobatole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qalabka kabaha lagu tolo oo mudac weyn u eg. 2. Ninka kabaha tola. ld kabatol.
mudaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
mudac-middiil [Magac Lab | Noun Masculine]
Qalab bir ka samaysan, af fiiqan iyo dhex ballaaran oo wax goysa leh oo haanta, masafta iwm marka la samaynayo loo isticmaalo.
mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg