mudan
(Magac Lab | Noun Masculine)(mudan, m.l) Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. ld mudanti.
mudan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dmay, -dantay; -dmi)Wax meel ku turqan noqosho (shay).
mudan
(Magac Dheddig | Noun Feminine)1. Erey tilmaama naag sharaf mudan. 2. (m.u) Dad muhim ah.
mudan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)Wax la muday ahaansho.
mudan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)1. Qof wax u qalama ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mudan ↴
laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
naa'ib [m.l] (-byo, m.dh)
1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.
afceli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
afdhuub [m.l] (-bab/-byo, m.l)
Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
afnaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.
amaamudan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la amaamuday ahaansho (hanti, aqal iwm); unkaman; alkuman.
baraar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
dhaab [m.dh] (-bab, m.l)
1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dolmayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.
gamaamudan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
ld gamaamada.
mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.