muddo
(Magac Dheddig | Noun Feminine)Waqti, goor, waa, shin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muddo ↴
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
baahi [m.dh]
1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
gaallan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax aan muddo lagu dhaqmin ahaansho.
ictikaaf [m.l]
Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
maalsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid neef irmmaan ku taakulayn in muddo ah si uu u maalo.
oollin [m.l]
Meel muddo badan la degganaa; yaallin.
qaamowqanshiir [m.l]
Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.
raag [m.l]
1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
mud [Magac Lab | Noun Masculine]
Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.