mudo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-utay, -udatay)1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
mudo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-utay, -udatay)Wax meel ku turqasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mudo ↴
afgammuur [m.l]
1. Qalab af fiican oo wax lagu mudo ama lagu gooyo leh laakiin af beelay. 2. ld afgammuurid.
dhiigyaro [m.dh]
Dhiigyaro (Anemia) waa xaalad aanad haysan unugyo dhiig oo casaan ku filan si ay u qaadaan oksijiin ku filan unugyada jirka. Dareemidda dhiig-yaraanta ayaa kaa dhigi karta inaad dareentid daal iyo daciif. Waxaa jira noocyo badan oo ka mid ah dhiig-yarida, oo mid waliba leeyahay sabab u gaar ah. Dhiigyaro wuxuu noqon karaa mid mudo gaaban ah ama muddo dheer sidoo kale wuxuu ka koobnaan karaa mid fudud ilaa mid daran. dhiigyari
faleebbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.
heensarraar [m.l] (-rro/ryo, m.dh)
Tiirar gaagaaban, tarraarro leh oo aqalka guradiisa lagu mudo lana saaro duubashida iwm.
irbad [m.dh] (-do, ml.)
1. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool leh oo inta dun la gesho wax lagu tolo. 2. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool yar dhaxda ku leh gadaalna ku leh dhuun oo inta daawo lagu shubo wax lagu mudo. 3. In daawo ah oo hal mar la isku mudo. ld cirbad.
mudasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mudo.
mudasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg mudo.
tallaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.