Site icon Qaamuus

jawaabta

mulac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Xammaarato yar oo afar addin iyo dabo dhuuban oo dheer leh oo ay malowga isku bah yihiin laakiin ka jirmi yar. ld bulac.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mulac

naar-afuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.

bulac [m.l]
ld mulac.

cillaan [m.dh] (-ammo m.l)
Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul.

dulundulco [m.dh]
Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iwm leeyihiin.

malow [m.l]
Nafley mulaca ka weyn oo madow oo leh dhibacyo cadcad; amuur.

mulacyayn [m.f.dh]
eeg mulacyee. ld mulacyays.

mulacyays [m.l]
ld mulacyayn.

mulacyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-eeyay, -eeysay)
Socod laalaabasho ah samayn.

siilaanyo [m.dh]
Nooc xamaaratada yaryar ka mid ah oo mulaca u eg kana yar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version