muldhi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax diirka sare ka fujin. 2. Cid huga ka wada qaadid. 3. Timo madax ka wada xiirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muldhi ↴
garoomo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ntay, -matay)
Madax, timo ka muldhisash.
muldhin [m.f.dh]
eeg muldhi.
muldhisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la muldhiyey ahaansho.
muldhisasho [m.f.dh]
eeg muldhiso.
muldhisnaan [m.f.dh]
eeg muldhisan. ld muldhisnaansho.
muldhisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld muldhisnaan.
muldhiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Laan, jir iwm dubka ka diirasho. 2. Qof hu'uu gashanaan ka wada furasho. 3. Madax qurdasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg