mullaax
(m.dh) (-xyo, m.dh)1. Xuubabka mayraxda kaa ugu jilicsan oo geedka laftiisa adag xiga. 2. Dhuub kasta oo sida mullaaxda u jilicsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mullaax ↴
naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
cajalad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.
dulin-gudeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.
gayax [m.dh]
1. Mullaax mayrax ah oo naasaha geela looga xero si aan qaanku u nuugin. 2. G. ah: hal ilmihii ka dhinteen ama laga qalay oo irmaan oo igarnimo lagu maal.
jillaw [m.dh]
Mayraxda adag ee u dhexeysa qolofta iyo mullaaxda geedka.
mayrax [m.dh] (-xo, m.l)
Isku jirka jillawda iyo mullaaxda. ld maydhax¹.
mullaaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Geed mullaax ka diirid.
mullaaxin [m.f.dh]
eeg mullaaxi. ld mullaaxis.
mullaaxis [m.l]
ld mullaaxin.