nadiifi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax uskagga iyo wasakhda ka bi'in.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadiifi ↴
xaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.
areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.
baaro [m.dh]
Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
buraash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.
buraashan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-shnaa, -shnayd)
Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
caday [m.l]
1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.
calasee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
cidaad [m.dh] (-do ml.)
Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.
cul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².
culay [m.l]
Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. ld cugay.