naqas
(m.l)1. Neef aan ur wanaagsan lahayn. 2. Neefta dadka uurkiisa ku jirta.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naqas ↴
daacaqurun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². dacawashiir
big [m.dh]
1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.
cimaamad [m.dh] (-do m.l)
Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. ld cumaamad.
naqash [m.l]
Xarar ama midab wax lagu qurxiyo.
naqash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qshay, -qashtay; -qshi)
Wax xardhid ama midab ku qurxin.
naqshad [m.dh]
1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.
naqshid [m.f.dh]
eeg naqash².
xarad [m.l]
Muuqaallo ka samaysan xarriiqo iyo astaamo oo wax la qurxinayo korkiisa lagu dhigo ama lagu qoro; naqash. ld xarar.
xarar [m.l]
1. Geed-abaareed weynaada oo laf adag oo qoryihiisa wax lagu dhisto. 2. (-rro, m.dh) Naqash.
naq [m.l]
1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.
naq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Wax meeshii uu ka yimid ku celin. 2. (f.g) Gar qaadid. 3. (f.g) Cid dood iyo dacwo u jeedin. 4. (f.mg) U n.: u meerin, u akhrin. 5. (f.mg) Ku n.: ku celi.