Site icon Qaamuus

jawaabta

nasin
(m.f.dh)

eeg nasi.

nasin
(m.dh) (-nno, m.dh)

(c.nafl.) Meel dhalada ka mid ah oo aan lafoobin, lagana dareemi karo garaaca halbowlayaasha maskaxda. Waxaana lagu yaqaan dhallaanka ilaa gu'jirka ah, kaddibna way lafowdaa way xirantaa. ld nash.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nasin

xabawari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.

daaltir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax daal hayo nasin (nafley).

dalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.

dharaaroomanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin.

dhigaalis [m.l]
Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.

fasax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday; -sixi)
1. Oggolaansho siin. 2. Hawl ka nasin (cid).

nash [m.dh]
Meesha madaxa carruurta kol dhow dhalatay xaggiisa sare ku taal ee boodboodda; nasiso. ld nashley, nashnashley, nasin, nasiso¹.

neefi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.

nas [m.l]
1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version