naxar
(m.l)Dab aad u kulul.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naxar ↴
aabo [m.l]
Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo. eeg aabbo, aabbe.
haamanad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad. hamaanad
jaa'ir [m.l] (-rro, m.dh)
Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
laayaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-nno, m.dh)
L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
nacab [m.l]
1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
unugga Daaniyal [m.l]
(fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.
bambaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid si naxariis iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid, wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.
caanaxaraarshe [m.l]
Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.
cadaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Qof ama dad badan oo cid kale colaad iyo xumaan u haysa; cadaawe. 2. Qof aan naxariis lahayn. ld cadow.
calool-adag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dkaa, -dkayd)
1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan.
nax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xtay; -nixi)
1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.