nuujin
(m.f.dh)eeg nuuji.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuujin ↴
taadhisaar [m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
taadhisaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.
naasnuujin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naasnuuji. ld naasnuujis.
caalsaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).
caanannuujin [m.f.dh]
eeg caanannuuji.
dabsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
golmaran [m.f.kh]
1. Dheddig xoolaad ama dad oo aan uurkiisa ilmo ku jirin, caruurna nuujineyna. 2. Oori ciddoodi jirtay oo faramaran kaga timid. 3. Nin aan hub sidan.
jaqsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax nuujin.
maraq [m.l] (-rqo, m.l)
1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.
mulul [m.l]
1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. ld mululid.