qadaad
(m.l) (-dyo, m.dh)Madaxa docdiisa dambe; jeego.
qadaad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qadaad ↴
dawaad [m.dh]
1. Khad. 2. Weelka khadda lagu shubto. 3. Madow khadka u eg oo awrka qoorka ahi ku yeelato qadaadka. ld tawaad.
jeego [m.dh] (-ooyin, m.l)
Madaxa dadka xaggiisa dambe; qadaad.
jidir [m.dh]
Madow khad u eg oo awrtu qadaadka ku yeelato marka ay qooqdo; dawaad; tawaad.
maddaad [m.dh]
1. Khad; dawaad. 2. Awrta waaweyn siiba kuwa qooqan madowga ay ku yeeshaan qadaadka. ld middaad.
maskaxyaro [m.dh]
1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. ld maskaxyari.
qadaadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Koor wax la qadaaday ahaansho.
qadaadid [m.f.dh]
eeg qadaad².
qadaadnaan [m.f.dh]
eeg qadaadan. ld qadaadnaansho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg