qal
(m.l) (-lal, m.l)Labada fuq ee afka middood; daan.
qal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qal ↴
daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda
iwm loo adeegsado.
laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u
dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad.
2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
caabbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu
shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo
lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo
aalad [m.d] (-do, m.dh)
1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
aaladeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
kaabul [m.l] (-llo, m.dh)
Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.