Site icon Qaamuus

jawaabta

qallaf
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Q. ah: wax adag oo aan jilicsaneyn.

qallaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Wax adag oo aan jilicsaneyn noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallaf

kaykayle [m.l]
1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.

qallafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax adag oo aan jilicsaneyn ka dhigid.

qallafid [m.f.dh]
eeg qallaf².

qallafin [m.f.dh]
eeg qallafi.

qallafsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.

qallafsanaan [m.f.dh]
eeg qallafsan. ld qallafsanaansho.

qallafsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qallafsanaan.

shabeel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale, leh midab cawl ah oo baro baro madow ku dhex jiraan, dhulka dhirtu ku badantahayna jooga oo geedaha fuula; xoolaha iyo ugaartana aad u laaya, dadkana cuna. 2. Libaax badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version