Site icon Qaamuus

jawaabta

qallafsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallafsan

kaykayle [m.l]
1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.

qallafsanaan [m.f.dh]
eeg qallafsan. ld qallafsanaansho.

qallafsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qallafsanaan.

shabeel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Dugaag ku nool Afrika, Aasiya iyo meelo kale, leh midab cawl ah oo baro baro madow ku dhex jiraan, dhulka dhirtu ku badantahayna jooga oo geedaha fuula; xoolaha iyo ugaartana aad u laaya, dadkana cuna. 2. Libaax badeed qallafsan oo oogada baro ku leh.

shiraac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Maro weyn oo adag qaabab badanna loo yeelo oo lagu xiro dakhalka doonyaha, oo marka dabayshu buubiso doonyaha hore u wada. 2. Dhar adag oo qallafsan lagana dhigto darbaal iyo teendho. ld shiraaq.

sirgax [m.l]
1. Qallooc. 2. S. ah: qof dabeecad qallafsan; gurrac.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version