Site icon Qaamuus

jawaabta

qallaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax qoyan engejin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallaji

ug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ku u.: wax dab ku qallajin.

ugan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Weel wax dab lagu qallajiyey ahaansho.

baasto [m.dh]
Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.

canab [m.l]
1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.

daradhig [m.l]
1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.

dargad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.

farmaajo [m.dh]
Cunto laga sameeyo caano la garooriyey lana qallajiyay.

faxal [m.l]
(bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.

geeldhugeeye [m.l]
Xamaarato yar oo qallajista le'eg oo hadba midab isu yeesha; jirjirroole. ld geelrugeeye, geel-ururugleey.

jalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Miro digir, lows iwm qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version