Site icon Qaamuus

jawaabta

qallooci
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qallooci

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

god [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeeli.

gurrac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax qalloocin.

janjeeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhan u qalloocin.

luquninaatow [m.l]
Cudur geela qoorta ka qalloociya.

qalloocasho [m.f.dh]
eeg qallooco. ld qalloocid.

qalloocid [m.f.dh]
eeg qallooc². ld qalloocasho.

qalloocin [m.f.dh]
eeg qallooci.

qaroof [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax toosan qalloocin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version