qalo
(m.l)Hal neef oo baadi ah.
qalo
(m.dh)1. Dareen ku dhasha nafleyda marka ay taagan yihiin meel aysan hore u joogi jirin ama ay la kulmaan dad aysan aqoon. 2. Q. ah: neef baadi ah oo xoolo uusan aqoon u tegay.
qalo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ashay, -alatay)Si loo cuno xoolo gowracasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalo ↴
tacdaar [m.dh]
(dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹.
waaqdhaacin [m.l]
Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.
alaalabbaq [m.l]
1. Baqdi aan aqoon ku dhisnay; baqdin qalo keento. 2. ld alaabbiqid.
awlax [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Mindi aad u weyn o geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
axan [m.l]
Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xmay, -xantay; -xmi)
Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin.
ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².
baalcad [m.l]
1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.
bariggooyo [m.dh]
B. ah: 1. Neef ida ah oo qof dhaawac ah in lagu baaniyo loo qalo. 2. Hanti la siiyo qof la dhaawacay qaansimidda ka hor.
boorane [m.l]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.