Site icon Qaamuus

jawaabta

qalwi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalwi

halwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dab ku madoobayn ama ku midabayn. 2. Wax la iibinayo qiimahooda mid ka yar ku gadid. 3. ld qalwi.

halwin [m.f.dh]
1. ld halwis. eeg halwi. 2. ld qalwin.

qalwin [m.f.dh]
eeg qalwi. ld halwin.

qalwis [m.l]
Q. ah: hilib iwm oo holac lagu dubay.

qal [m.l] (-lal, m.l)
Labada fuq ee afka middood; daan.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version