qani
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)Q. ah: qof maalqabeen ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qani ↴
raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
ursato [m.dh]
Cayayaanka jaad ka mid ah oo doorshaanka ka sii yaryar kana fudfudud oo aan wax qaniinin.
abris [m.l] (-syo, m.dh)
Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
anoofeles [m.l] (-syo, m.dh)
(baay.) Kaneecada dheddig oo qaadda noolaha duumada keena, dadkuna qaniinyadeeda ayaa duumada u keena.
baalcas [m.l]
Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
beejaggoys [m.dh]
Xasharaad yaryar oo midab madow leh oo sida badan buuryada ka qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.
caradugaag [m.l]
Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.
carrasan [m.l]
Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
cawaggud [m.dh]
Nooc quraanyada ka mid ah, gudguduudan, koox-koox u socota, qaniinyo kulul oo habeenkii socota.
cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.