Site icon Qaamuus

jawaabta

qaraabo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Dad xagga hooyo ama aabbe xiriir dhalasho ka wadaaga.

qaraabo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-btay, -batay)

1. Miro, xabag iwm doonasho ama gurasho. 2. Wax aan la haysan oo loo baahan yahay dibadda ka doonasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaraabo

caa'ilo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-ooyin m.l)
Qoys, qaraabo. qoys, qaraabo

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

cid [m.dh] (-do, m.l)
1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tus. “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.

dagaaltoleed [m.l]
Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye.

dumaal [m.dh]
1. Naag laga dhintay oo nin qaraabo la ahaa ninkeedi hore guursado. 2. Roob yar; shuux.

dumaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Naag nin qaraabo ahi ka dhintay guursasho.

goo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g) Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.

qaraabasho [m.f.dh]
eeg qaraabo².

qaraabayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Cid qaraabo ka dhigasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version