qaraf
(m.l) (-fyo, m.dh)Kabriid; tarraq.
qaraf
(Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective)Qori xalleefsan oo ciidda digada xoolaha iwm lagu guro; digaxaar.
qaraf
(m.dh) (-rfo, m.dh)Weel qori ka samaysan oo kaadida geela iyo goggobada lagu qamiiriyo marka xoolaha la dhayayo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaraf ↴
kabriid [m.l] (-ddo, m.dh)
Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
qarafeysasho [m.f.dh]
eeg qarafeyso.
qarafeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Hadba cid baryid.
qarafo [m.dh]
Baryo meelo kala duwan lagu tago iyadoo cunto la raadsanayo.
qarafsasho [m.f.dh]
eeg qarafso.
qarafso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Wax lagu noolaado sida miro iwm duur ka raadsasho. 2. Socosho.
qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.