Site icon Qaamuus

jawaabta

qarar
(m.l) (-ryo, m.dh)

(c.nafl.) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarar

bawne [m.l]
Nafley bakaylaha u eg, kase yar, qararka buuraha ku nool oo orod bootimaaleyn ah leh; dabariyaadle.

cirfiidad [m.dh]
Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.

danaani [m.l]
1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iwm. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iwm. 3. Cida dameeraha; durruqaan. ld dannaanni¹.

daray [m.l] (daray, m.dh)
Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.

dayaan [m.l]
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.

dhebi [m.l] (dhebi, m.dh)
Geed leh laamo toostoosan, caleemo balballaaran laga goosto udbaha, dhigaha iwm oo ka baxa qararka dooxyada.

gebikayeer [m.l]
Codka ay soo celiyaan qararka iwm. marka u dhowi dhawaaqsa.

haqad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Cad yar, beer ka mid ah oo qof maalin fali karo. 2. ld haqasho. 3. Qarar dhaadheer oo xeebaha ku yaal.

jacburo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ray, -rtay)
Wax adag ilko ku burbursasho; qararamso. ld jacburso.

qalwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version