Site icon Qaamuus

jawaabta

qaraw
(m.l)

Hadal iyadoo la hurdo lagu hadlo.

qaraw
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rway, -rawday; -rwi)

1. Riyo dhexdeed hadal la maqlayo ku dhawaaqid. 2. Xanuun la tarsaasiyid (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaraw

alalad [m.l]
1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. ld alaladid.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

qarow [m.l]
ld qaraw¹.

qarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
ld qaraw².

qarwid [m.f.dh]
eeg qaraw².

tarsaasi [m.l]
1. Lalabbo ka timaadda cunto la iska badiyey. 2. Qaraw; calwasaad.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version