Site icon Qaamuus

jawaabta

qarax
(m.l)

1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn.

qarax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rxay, -raxday; -rxi)

Wax, qarax sameyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarax

ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

baaruud [m.dh] (-do, m.l)
Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

bug [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
B. dheh: cod lagu muujiyo qarax ama dhac.

folkaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.

hanqar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Onkod, gugac. 2. Qarax, biriq.

hansad [m.dh] (-do, m.dh)
Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iwm ku dhacay.

il-kulul [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.

qarxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax qarax ku burburin.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version