Site icon Qaamuus

jawaabta

qare
(m.l)

1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh. 2. Miraha geedka qaraha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qare

canyayuus [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey.

jabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Adke qayb ka goosasho (ul, caday iwm). 2. Adke wax ku dhex jira ka baxsasho (ukun, qare, laf iwm).

jeexo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-xday, -xatay)
Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iwm).

qarayn [m.dh]
eeg qaree. ld qirayn.

qaredameer [m.l]
ld qareduur.

qareduur [m.l]
Qare aan la cunin oo duur ka baxa. ld qaredameer.

qaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyey, -raysay)
1. Qar u yeelid (weel). 2. ld qiree.

qareemid [m.f.dh]
eeg qareen².

qareen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version