qareen
(m.l) (-nno, m.dh)1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda.
qareen
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-eemay, -eentay; -eemi)1. U q.: gar yaqaan cid u doodid. 2. U q.: cid u danaanin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qareen ↴
qareemid [m.f.dh]
eeg qareen².
qareennimo [m.dh]
1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.
qareensasho [m.f.dh]
eeg qareenso.
qareenso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid xigto ka dhigasho.
qare [m.l]
1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh. 2. Miraha geedka qaraha.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg