Site icon Qaamuus

jawaabta

qarqar
(m.l)

Inta u dhexeysa garabka korkiisa iyo luqunta; deg.

qarqar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Qarqaryo dareemid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarqar

caac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.

deef [m.dh]
Garabka intiisa kore; qarqar.

deg [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.

dhaxamaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Nafley qarqaryood.

kuldhac [m.l]
(daaw.) Hoos u dhac kulka jirka oo ka hoos mara cabbirka caadiga ah ayna jirinna falalka difaaca jirka sida - qarqaryada. Badanaa waxay ku dhacdaa caruurta iyo waayeelka haddii ay ku noolyihiin guryo aan la kululeyn ayna haysan dhar huwasho oo ku filan.

qandho-tifow [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).

qarqarayn [m.f.dh]
eeg qarqaree.

qarqaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Dhul buuraley ah qardajeexid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version