Site icon Qaamuus

jawaabta

qarri
(m.l) (-iyo, m.dh)

Buuro waaweyn xiriirsan oo meel siman yaal dhirna leh.

qarri
(m.dh)

1. Dhul buuraley ah. 2. Dhul jiq ah oo aan la mari karin. 3. Qalqalli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarri

jaawqarrir [m.l]
ld jaaw.

hallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.

qarrer [m.l]
ld qarrir¹.

qarrer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld qarrir² (2).

qarrerid [m.dh]
ld qarririd.

qarrir [m.l]
Dillaac uu yeesho derbi, weel, dhul iwm. ld qarrer¹, qarririd.

qarrir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax qiimahooda, wakhtigooda, tiradooda iwm xaddidid. 2. (f.mg) ld qarrer. Dhul, dhar iwm dillaacid.

qarriran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Arrin iwm wax go'aan laga gaaray ahaansho.

qar [m.l] (-rar, m.l)
1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

qar [m.l] (-rar, m.l)
(juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version