Site icon Qaamuus

jawaabta

qarsoodi
(m.l)

1. Q. ah: arrin, hadal iwm oo aan la oggoleyn inla maqlo ama la arko; sir. 2. Q. ah: hadal hoos la isugu sheego si dadka kale aysan u maqal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qarsoodi

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

jaasuus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Cid si qarsoodi ah sir uga bixin. ld jaajuus².

naasnuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si qarsoodi ah qof wax u siin.

xad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.

ajar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid si qarsoodi ah u dhibaatayn.

bareer [m.l]
1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld bareero.

bareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.

gogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Hilib iwm qarsoodi wax uga goosash.

goldoox [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Dheddig dhali waayey golkadillaacin si ilmo looga dhaliyo. 2. Arrin qarsoodi ah kashifid.

haawo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-waday, -watay)
1. Weel af bannaan dabayl qaadasho. 2. Si qarsoodi la'aan ah wax u sheegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version