qas
(m.l)1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.
Qasaabo*
Yaa wax yaqaana oo garan kara?
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qas ↴
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
xaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid
jaahwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri. jahawareeri
faambi [m.l]
1. Si aan habboonayn oo wax loo cuno. 2. Qasidda wax nidaamsan la isku qaso. ld faambiyid. faambiyid
faambi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Si aan habboonayn wax u cunid. 2. Wax nidaamsan isku qasid.
jaajuur [m.l] (-rro, m.dh)
Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
kaadimacaan [m.l]
(daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
laambad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.