Site icon Qaamuus

jawaabta

qataar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada.

qataar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Qori adag albaab hoos uga xirid. 2. Qof sixrid, iyadoo geed musmaar loogu taagayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qataar

handaraab [m.l] (-byo, m.dh)
Bir albaabada lagu qataaro qufulkana lagu xiro.

qataaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Irrid wax xirantay noqosho.

qataaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Irrid iwm wax la qataaray ahaansho. 2. Qof la sixray ahaansho.

qataarid [m.f.dh]
eeg qataar².

qataarmid [m.f.dh]
eeg qataaran¹.

qataarnaan [m.f.dh]
eeg qaraaran². ld qataarnaansho.

qataarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qataarnaan.

tebbed [m.l] (-dyo, m.dh)
Qori hoos irridda looga xiro; qataar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version