Site icon Qaamuus

jawaabta

qawad
(m.l)

1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.

qawad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Wax saluugid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qawad

caar [m.l]
1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.

cambaarcad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.

qawadid [m.f.dh]
eeg qawad².

qawadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax saluugay ahaansho.

qawadsanaan [m.f.dh]
eeg qawadsan. ld qawadsanaansho.

qawadsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qawadsanaan.

qawid [m.l]
ld qawad¹ (2).

saluug [m.l]
Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.

qaw [m.l]
Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa.

qaw [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama dhawaac.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version