Site icon Qaamuus

jawaabta

qawl
(m.l)

1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.

qawl
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-wlay, -wshay)

1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iwm.).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qawl

qawlad [m.dh]
ld qol.

qawlal [m.l] (-llo, m.dh)
Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws-horaadka.

qawlal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Nafley, labadeeda qal dhexdooda bir, xarig, iwm, gelin.

qawlalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax qawlal gashanyahay ahaansho (awr, faras iwm).

qawlalid [m.f.dh]
eeg qawlal².

qawlalnaan [m.f.dh]
eeg qawlalan. ld qawlalnaansho.

qawlalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qawlalnaan.

qawle [m.l]
ld qowle.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version