Site icon Qaamuus

jawaabta

qaybgal
(m.l)

Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo. ld qaybgelid.

qaybgal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay; -geli)

Ka q.: hawl la qabanayey ama wax kale qayb ka qaadasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaybgal

saami [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Wax la qaybsaday inta qof walba gooni u helo. 2. Hantida qof kaga qaybgalo shirkad beecmushtari. 3. Xiriir ka dhexeeya laba tiro-xisaabeed. ld sahmi¹

waal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.

diyaafad [m.dh] (-do, m.l)
Martiqaad weyn oo dad badani ka qaybgalaan oo cunta badan lagu cuno. ld dayaafad.

duubcad [m.dh]
Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.

gaashaanqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof qaangaaray oo dagaal ka qaybgali karo. ld gaashaanxajis.

qaybgale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.

qaybgelid [m.f.dh]
eeg qaybgal². ld qaybgal¹.

semifaynal [m.l] (-llo, m.dh)
Tartan isboorti oo kooxo badani ka qaybgalaan wareeggiisa labaad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version