Site icon Qaamuus

jawaabta

qaybis
(m.l)

eeg qaybi. ld qaybin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaybis

xad [m.l] (-dad, m.l)
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.

dhextaal [m.dh] (-lo, m.l)
Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. ld dhextaallo.

garqaybis [m.l]
ld garqaybi.

kalabbartan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dhibicda goobaabida laba isle'eg u qaybisa.

qaybin [m.f.dh]
eeg qaybi. ld qaybis.

qaybshaha ay wadaagaan [m.l]
(xis.) Tirada haraa la'aan qaybisa laba ama dhawr tiro.Tusaale ahaan, 3 waa qaybshaha ay wadaagaan 12, 18 iyo 33. 3 waxa kale oo la oran karaa isirka ay wadaagaan 12, 18 iyo 33.

seer [m.l]
1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo qaybisa. 2. Falka la sameeyo, marka qof saar ama Boorane laga saarayo (tumayo).

seer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Laba dal oo isku qabsan ama gobollo, beero iwm xarriiq kala qaybisa u samayn. 2. Cid mingis, boorane iwm ka muddeyn. ld seeree.

tiro dhaban [m.dh]
(xis) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.

qayb [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.

qayb [m.dh] (-bo, m.l)
1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah.

qayb [m.dh]
(nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.

qayb [m.l]
Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.

qayb [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kor ka barasha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version