Site icon Qaamuus

jawaabta

qaybsan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Wax la qaybiyey noqosho.

qaybsan
(f.g/mg4) (-naa, -nayd)

1. (f.g) Qof wax xafidsan ahaansho. 2. (f.g) Wax la qaybiyay ahaansho. 3. (f.mg) Ku q.: qof hawl, arrin iwm, fulinteeda iwm, lagu aaddiyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaybsan

qaabbilsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.

xaafad [m.dh] (-do, m.l)
Qaybaha magaalo u qaybsan tahay mid ka mid ah oo degmo ka yar.

jaamacad [m.dh] (-do, m.l)
Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.

qaarad [m.dh] (-do, m.l)
Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.

unug-waalid [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.

uurjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.

waax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.

xambali [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.

bursiino [m.dh]
Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.

burso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax la qaybsanayo sed dheeraad ah ka qaadasho. 2. Wax cayrsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version