Site icon Qaamuus

jawaabta

qayladhaan
(m.dh)

Dhawaaq kaalmo dalab ah oo cid loo jeediyo ama loogu digo. ld cilladhaan, qayladhaamo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayladhaan

cilladhaan [m.dh]
ld qayladhaan.

cilladhaansad [m.l]
ld qayladhaansasho.

cilladhaansasho [m.l]
ld qayladhaansasho.

cilladhaansi [m.l]
ld qayladhaansasho.

cilladhaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld qayladhaanso.

habarwaco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -ctay)
U h.: qof dhibaato haysato ehelo u qayladhaansasho.

lallabo [m.dh]
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.

qayladhaami [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Qayladhaan ku dhufasho. 2. U q.: cid halis uga digid. ld cilladhaami.

qayladhaamo [m.dh]
ld qayladhaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version