qaylin
(m.f.dh)eeg qayli. ld qaylis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaylin ↴
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
waaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.
balow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lway, -lowday; -lwi)
Cabsi ama xanuun dartiis la qaylin.
cod [m.l] (-dad, m.l)
1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
gallayrree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Sida gallayr u qaylin. ld gallayryee.
kardho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-dhaday, -dhatay)
1. Neef irmaan oo ari ah darar awgeed la qaylin. 2. Qof jirro ama dhaxan la gariirid.
qaylis [m.l]
ld qaylin.
sannaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Si joogto ah u qaylin.
sawax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Cid aad u qaylin.
qayl [m.l] (-lal, m.l)
Dameer yar oo lab.