qaylo
(m.dh)1. Dhawaaq dheer oo nafley sameyso. 2. Canaan. 3. Digniin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaylo ↴
caaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
qaaq [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama qaylo ama ci.
qaaqle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
uubatee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
uubato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-ooyin, m.l)
1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.
waaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.
yoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. ld yulqan².
aammusi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.
baroor [m.dh]
1. Qaylo dheer cataw iyo ilmo leh oo ay haweenku sameeyaan marka ay dhibaato la kulmaan. 2. Meseggo aan bislaan oo sabuul ku taal.
barooro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Haweeney dhibaato ay la kulantay awgeed, qaylo dheer oo cataw iyo ilmo leh samayn.
qay [m.l]
Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.
qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.