qeexid
(m.f.dh)eeg qeex.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qeexid ↴
asiidh [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.
cilmiga usdurraadka [m.l]
Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada.
macne [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Ulajeeddada erey ma hadal ka dambaysa. 2. Qeexidda wax la sharxay la siiyo. 3. Faa'iido: macne maleh: faa'iido maleh. ld macno, micne, micno.
tobograafiyo [m.dh]
(juqr.) Qeexid faah-faahsan ama bandhig muuqaallobe-deed, dabiici iyo sanaaci, labadaba ee meeleed, sidaasoo kale ayaa laga rabaa khariidad, toobograafiyeed.
xisaab [m.dh]
(xis.)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaa-dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar-siiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkas-too qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.
qeex [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax si wanaagsan u sharxid.